Deni oo safar dhulka ah ku tagey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo galabta ka degay degmada Cadaado ayaa safar dhulka ah ku so gaaray magaalada Dhusameereeb.

Warar Keydmedia Online
Deni oo safar dhulka ah ku tagey Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo galabta ka degay degmada Cadaado ayaa safar dhulka ah ku so gaaray magaalada Dhusamareeb.

Xaalad amin ayaa loo aaneeyay sababta uu Dani uga degay Cadaado, kaddib markii xalay madaafiic lagu weerayay goobo uu jiro Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Socdaalka Madaxweyne Puntland ayaa la xiriira ka qeybgalka shirkii u dhawaan ku baaqay Farmaajo, kaasoo dhexmari doona Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Galmudug ayaa jidka uga hortagay Deni, si uu soo dhaweeyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.