KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey Cherith Chalet, ayaa sheegtay in dhaqaalaha ay siiyeen Maamulka Farmaajo uusan u qalmin, maadaama uu wax ka qaban waayay xaalada Amni iyo mid siyaasadeed ee Soomaaliya.
NEW YORK - Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey Cherith Norman Chalet, ayaa 20-kii bishan khudbad ay ka jeediyay Shirkii Gollaha Amaanka uga hadlay xaaladda Soomaaliya, ayaa sheegtay dowladeeda aysan ku qanacsanayn hogaaminta Farmaajo.
Waxay xustay in Mareykanka uu ku bixiyay Somaaliya 20-kii sano ee lasoo dhaafay lacag dhan $5.3 billion, balse aanay wax badan iska bedelin xaalad amni iyo mida siyaasadeed ee ka jirta dalka, iyadoo si gaar ah carabka ugu dhufatay Farmaajo inuu yahay hogaamiye lagu qasaaray.
"Lacagta aan ku bixinay Soomaaliya uma dhigmato waxa laga qabtay amniga iyo siyaasadda, waa wax aad looga xumaado in uu dalka sidan kusii socdo, oo Maamulka hadda jirana sixin dhibaatooyinka taagan" ayay tiri Safiiradda.
Waxay intaasi ku dartay in Farmaajo uu lumiyay fursado badan oo wax looga qaban karay caqabadaha haysta Soomaaliya, oo amniga iyo siyaasadda ay kamid yihiin, kadib markii uu fulin waayay balan-qaadyadii doorashad uu kusoo galay 2017.
Cherith ayaa soo hadal-qaadey xilka-qaadistii Khayre, iyadoo shaaciyay in Mareykanka uu cambaareynayo go'aankii Gollaha Shacabka uu Xukuumadda kalsoonida ugala noqday, kaasoo abuuray xiisad siyaasadeed oo cusub, maadaama aan loo marin wado shari ah.
Sidoo kale, Safiiradda ayaa ugu baaqday Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo inaysan dib u dhigin doorashadda, islamarkaana lagu qabto waqtigeedii horey loogu heshiiyay inay qabsoonto, xiligaas oo ka harsan labo bilood.
Mareykanka ayaa taageero dhaqaale iyo mid Ciidan siiya dowladda Soomaaliya, oo qaabka ay u maareyso lacaga deeqaha ah la sheegay in loo isticmaalo dano gaar ah, iyadoo Askarta dagaalka kula jirta Al-Shabaab aysan si toos ah u helin xuquuqdooda.
Dec, 2017, dowladda Mareykanka ayaa joojiyay taageeradii ay siin jirtay Militeriga Soomaaliya, oo isagu jirtay raashiin, shidaal iyo hub kadib markii musuq-maasuq lagu sameeyay, iyadoo arintaas soo bandhigtay maamul xukumada Farmaajo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.