Mareykanka oo beenisay war kasoo baxay Al-Shabaab

AFRICOM ayaa sheegtay inaysan jirin askari Ameerikaan ah oo uga dhaawacmay howgalkii ka dhacay Daarusalaam 24-kii bishaan, kaasoo lagu dilay sida uu sheegay lix katirsanaa Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan inay qaraxyo ka dhacay Daarusalaam ay ku dhaawaceen hal askari oo u dhashay Mareykanka, sidoo kalena ay ku dileen 7 askari oo Soomaali ah.

Sheegashada Al-Shabaab ayaa timid kadib qoraal AFRICOM soo saartay oo ay ku sheegtay in duqeyn is-difaacida ah oo ay ka fuliyeen nawaaxiga Daarusalaam ay ku dileen 6 kamid ahaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen 3 kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.