Mareykanka oo Gawaari Gaashaaman ku wareejiyay DANAB

Gawaaridu waxay taageeri doonaan howlgalada iyo awoodda Ciidanka DANAB ee dagaalka ay kula jira argagixisada.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo Gawaari Gaashaaman ku wareejiyay DANAB

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Sabtidii gawaari gaashaaman ku wareejiyay guutada 16-aad ee DANAB ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaalin muuqata ka qaadanaya la dagaalanka Al-Shabaab.

Gawaarida ay taageeri doonaan howlgalada iyo awoodda Ciidanka DANAB ee dagaalka ay kula jira argagixisada, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerida DANAB, oo ah unug katirsan Ciidanka Militeriga Soomaaliya oo Mareykanka uu tababaray, kuwaasoo saldhigooda yahay Beled-Doogle, Shabeellaha Hoose.

Tani waxay imaaneysaa maalin un un ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay shaaciyeen in askarta DANAB ay fashiliyeen isku day Jimcihii ay damacsanayd Al-Shabaab, xilli ay ku guda jireen hawlgalo baaxad leh oo ka socday degaanka Jilib Marka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.