KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dawladda Mareykanka ayaa la sheegaa in ay Dad Shacab ah ku dishay gudaha Soomaaliya, howlgalo ay ka fulisay gudaha Dalka.
MUQDISHO, Soomaaliya – Dawladda Mareykanka ayaa qiratay inay Dad shacab ah dhibaato kasoo gaartay duqeyn diyaaradaheeda oo ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.
War kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn labada bishii February ee sanadkaan ka fuliyeen nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, uu ku dhintay hal ruux oo rayid ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen saddex kale.
“Nasiib Darro, howlgaladeena ayaa ka dhashay khasaaro shacabka, waxaan qiraynaa dhimashada hal ruux oo rayid ah iyo saddex dhaawac ah," ayuu yiri taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] Gen. Stephen Townsend.
Dhinaca kale, Mareykanka ayaa sidaan oo kale bishii April ee Sanadkii 2019 qirtay in duqeyn ay ku dileen labo ruux oo shacab ah, halka saddex kalana ku dhaawaceen, balse la aaminsanyahay in tirada intaas ka badantahay.
Hay’adda Xuquuqul Insaanka Caalamiga ah ee Amnesty International, ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee duqeynta ka geysta gudaha Soomaaliya ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.