Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay Farmaajo iyo madax kale

Xayiraadda ayaa lagu ciqaabayaa kuwa carqaladeynaya doorashadda, waxaana ku jira Farmaajo, Mursal iyo kuwa kale oo dowladda katirsan, kuwaasoo aan rabin in dalka dowlad cusub yeesho.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay Farmaajo iyo madax kale

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay maamulka Biden uu xayiraad dhanka Fiisaha ama safarka uu kusoo rogay Farmaajo iyo madax kale oo carqaladeynayay doorashooyinka Soomaaliya, oo lagu jahwareersan yahay mudo sanad ah.

Waxaan xayiraad safarka aan saarnay kuwa ku lugta leh carqadeynta dimuqraadiyadda Soomaaliya. In la qaso hananaka dimuqraadiyadda waxaa ka dhasho cawaaqib xun. Mareykanka waxaa ka go'an inuu garab istaago shacabka Soomaaliyeed, kana caawiyo horumarin dimuqraadiyadda dalka" ayuu yiri Antony Blinken.

Xayiraadda Mareykanka waxaa lagu soo beegay maalintii shalay oo Farmaajo u buuxsantay sanad dheeraad ah, oo sifo sharciga dalka iyo dastuurka waafaqsanayn ku joogay Madaxtooyadda, islamarkaana weli uu faragelin ku hayo hanaanka doorashadda Baarlamaanka.

Antony Blinken ayaa ugu baaqey Madaxda dowladda iyo Maamulada inay ka dhabeeyaan balan-qaadkooda iyo heshiiskii ahaa in doorashadda lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishan Febuary, oo ka harsan mudo 16 maalin ah.

Wadada kaliya, ee lagu gaari karo nabad-waarta oo Soomaaliya hesho, waa in si degdeg ah loo qabtaa doorasho hufan, oo loo dhan yahay, taasoo si dhaqso ah lagu soo afjaro," ayuu hadalkiisa raaciyay Antony Blinken.

Soomaaliya oo dib u dhis kusoo jirtay 30-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa waxay ku tiirsanayn taageeradda Beesha Caalamka, iyadoo aan weli gaarin heer ay cagaheeda isku taagto, maadaama dhinac walba, siyaasadda iyo amniga ay ku jirto xaalada kumeel-gaar ah.

Xayiraadda ayaa lagu ciqaabayaa kuwa carqaladeynaya doorashadda, waxaana ku jira Farmaajo, Mursal iyo kuwa kale oo dowladda katirsan, kuwaasoo aan rabin in dalka dowlad cusub yeesho. Fahad Yaasiin ayaa sida wararku sheegayaan ku jira liiska xayiraadda la saarey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.