Mas’uuliyiinta ku dhintay weerarkii Elite hotel

Waxaa lasoo badbaadiyay in ka badan 200 oo qof, oo uu ku jiro milkiiliha hotel-ka, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Baarlamaanka Soomaaliya katirsan.

Warar Keydmedia Online

Daahir Cali oo ahaa Agaasimaha Waaxda kahor tagga askareynta carruurta ee Wasaaraddda Gaashaandhigga iyo C/risaaq Cabdi oo xiriirka gobollada u qaabilsanaa Wasaaradda Warfaafinta ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ku qaadey Elite hotel, oo xeebta Liido ku yaalla.

Waxaa jira 205 qof oo Xildhibaano u badan oo laga soo badbaadiyay dhismaha, iyadoo la toogtay 4 dagaalyahan oo gudaha mudo 3 saacadood ka badan Ciidanka kula dagaalamayay.

Inta dhimatay waxay gaaraysa 10, oo askar iyo shacab ay ku jiraan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.