Maxaa ka jira in Mareykanka uu joojiyay taageeradda DANAB?

Warkan ayaa soo shaac baxay kadib markii dhawaan xabsiga la dhigay Taliyihii DANAB Ismaaciil C/maalik, oo lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo amar-diido.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka jira in Mareykanka uu joojiyay taageeradda DANAB?

MUQDISHO, Soomaaliya - Keydmedia Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in Mareykanku uu joojiyay lacagtii uu siin jiray Ciidamada gaarka ah ee DANAB oo ah unuga ugu fir-fircoon ee Xoogga dalka, marka laga hadlayo dagaalka Al-Shabaab.

Illo-wareedyo ayaa u sheegay Keydmedia Online in Militeriga Mareykanka ee AFRICOM uu hakiyay gunnooyinka, la talinta iyo tababarka dagaalka ee DANAB, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay go'aankan. Laakiin wuxuu kusoo beegmayaa xili dhawaan la xiray taliyaha DANAB Ismaaciil C/maalik, oo musuq-maasuq iyo amar-diido lagu eedeeyay.

Dhanka kale, Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in go'aanka Mareykanka ay aad uga xun yihiin, iyagoo ku baaqey in dib loo soo celiyo taageeradda DANAB, maadaama xaalad dagaal lagu jiro.

December 2017, sidan oo kale ayay dawladda Mareykanka u joojisay taageeraddii dhaqaalaha iyo saanada Ciidan ee ay siin jirtay Militeriga Soomaaliya kadib markii taliyeyaasha ay musuq-maasuqeen agabkii askarta loogu tala-galay, oo raashiin iyo shidaalka ay kamid yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.