Maxaa kasoo baxay Safarkii Rooble ee Galmudug?

Galmudug ayaa shaacisay kuraas shan ah oo katirsan Aqalka Hoose, kuwaasoo doorashadooda maalmo kadib lagu qaban doono Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Maxaa kasoo baxay Safarkii Rooble ee Galmudug?

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Maanta oo Khamiis ah soo afmeeray safarkiisii 3da maalin qaatey, ee uu ku tagey Dhuusamareeb, Caasimadda Galmudug.

Intii uu ku sugnaa magaaladda, Rooble ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Mas'uuliyiinta Galmudug, oo Qoor-Qoor ugu horeeyo, Gudiga doorashadda, Odayaasha iyo Bulshadda rayidka.

Ujeedka safarka Rooble ayaa ahaa dardar-gelinta howlaha doorashadda Aqalka Hoose, oo la filayo inay dhamaan Maamulada kawada billaabato bishan, lana soo gabagabeeyo December.

Rooble ayaa la shir-gudoomiyay Qoor-Qoor kulanka Gollaha Wasiiradda Galmudug, oo looga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo mid bini'aadanimo ee ka taagan degaanada Maamulka.

Qoor-Qoor, ayaa Maanta shaaciyay shanta kursi ee ugu horeysa ee Galmudug u dooran doonto Aqalka Hoose, waxaana tallaabadan ay ahayd mid uu ku farxad-gelinayay Rooble oo dhibaato badan ka maraya qabashadda doorashadda.

Galmudug waxay u muujisay Rooble damacsanaan iyo inay diyaar u tahay qabashadda doorashadda kuraasteeda Gollaha Shacabka, iyadoo taasoo albaabka u fureyso Maamullada kale inay ku daydaan, oo ay billaabaan codeynta.

Rooble ayaa natiijo wanaagsan kala soo laabtay Galmudug, iyadoo la filayo inuu u socdaallo degaanno kale oo dalka katirsan, waxayna qeyb ka tahay balan-qaadkiisa inuu tagayo goobaha doorashadda lagu qabanayo ee Shanta Maamul.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.