Maxaa looga hadlay Shirka Gollaha Wasiiradda?

Kulanka maanta oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka iyo xaaladda COVID-19 ayaa waxaa guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Warar Keydmedia Online
Maxaa looga hadlay Shirka Gollaha Wasiiradda?

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiirrada ee kalsoonida kala noqday dhawaan BF ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Heshiiska goluhu ay meel mariyeen oo ay wada gaareen 55 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa qeexaya in dhammaan wadamada saxiixay heshiiskan ay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsiga si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaa si xur ah.

Ujeeda aasaaska AfCFTA ayaa salka ku heysa abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaqdhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maalgashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah, in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, Fududeynta ganacsiga iyo Kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha.

January 2012 ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Madaxda wadamada ku bahoobay midoowga Afrika shirkoodii 18aad oo ka dhacay Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa lagu ansixyay in la aasaaso Aaagga Ganacsiga Xorta ah ee Africa (AfCFTA).

Kulanka maanta oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka iyo xaaladda COVID-19 ayaa waxaa guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa AfCFTA waxay fursad u heleysaa in waxyaabaha gudaha laga soo saaro ay caqabad la’aan ugu iib geyso qaaradda dhexdeeda, inay marti geliso maal gashadayaasha, inay isku xirto ganacsiga iskaga gooshaya koonfurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika ayaga oo marin ka dhiganayaa biyaha badweynta Hindiya, Ganacsi abuur iyo in si dhameestiran looga faa’iido soosaaridda kheyraadka dalka, si oo iibgeeyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.