Mahdi Guuleed: Cabdi Xaashi waa hoggaamiye Mucaarad ah

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu ahaa hogaamiye mucaarad ah.

Warar Keydmedia Online
Mahdi Guuleed: Cabdi Xaashi waa hoggaamiye Mucaarad ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo ah Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u jeediyay gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, oo si aad ah uga soo horjeestay faragelinta Farmaajo ee gudiga doorashadda Xildhibaanadda Somaliland.

Labada Mas'uul oo gobollada waqooyi kasoo wada jeeda ayaa muuqata inay isku hayaan arrimo siyaasadeed iyo maamulka doorashadda Xildhibaanadda beelahooda loo qoondeeyay, iyadoo qof walba uu doonayo inuu isaga maamulo.

Wareysi uu bixiyay ayuu Mahdi ku sheegay in Cabdi Xaashi uu wiiqay awooddii hay'adaha dastuuriga ee dowladda iyo kala-sareynta, isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay inuu kahor yimid magacaabis uu sameeyay Madaxweynaha iyo go'aanada doorashadda.

"Sidaad la socotid dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Cabdi Xaashi wuxuu ahaa hogaamiye mucaarad ah, waayo wuxuu wiiqay awooddii gollaha sharci-dejinta, iyadoo Aqalka Sare uu mudo dheer yeelan wax fadhiyo ah," ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Hadalka Mahdi ayaa ka muuqata inuu ku difaacayo Farmaajo, oo khilaaf xooggan kala dhaxeeya Cabdi Xaashi oo dhowr war-saxaafadeed oo uu soo saarey ku sheegay in Villa Somalia ay jebisay sharciga dalka, islamarkaana ay faragelin ku hayso arrimaha doorashooyinka.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi waxay ku loolamayaan Xildhibaanada Somaliland ku mateli doono Baarlamaanka soo socda ee 11aad, kuwaasoo Fahad Yaasiin uu doonayo inay noqdaan xubno taageersan dowladda, islamarkaana Farmaajo u codeeya Febaury 2021. 

Xukuumadda Ra'isul Wasaare wali kama aysan Jawaabin khilaafka ka jira gudigga doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.