QM oo heshiis cusub la gashay DF

Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ammaanay dadaallada Qaramada Midoobay.

Warar Keydmedia Online
QM oo heshiis cusub la gashay DF

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Farmaajo ee waqtigiisa sii dhamaanayo ayaa heshiis cusub u saxiixay Maanta Qaramada Madoobey, kaasoo hagi doona wada-shaqaynta labada dhinac ee shanta sano ee soo socota

Xaflad lagu saxiixayay heshiiska Iskaashiga Horumarinta Waarta ee Qaramada Midoobay (UNCF) - ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana dhanka dowladda ka qaybgalay Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Jamaal Maxamed Xasan.

Dhanka Qaramada Midoobay, mas'uuliyiintii ka qaybgalay waxaa ka mid ah, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo Isku Duwaha Arrimaha Bani'aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale haya xilka Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay.

Heshiiska UNCF wuxuu ka turjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go'an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs).

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.