KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qaabka loo magacaabey gudiyadda doorashooyinka iyo diyaar-garow la'aanta ayaa laga digay inuu Farmaajo qabto doorasho degdeg ah kadibna ku shubto codadka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda xasaradaha adduunka [International Crisis Group], ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dib uga dhacday waqtigii loogu tala galay inay ku qabsoomaan Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Hay'adda cilmi-baarista ee fadhigeedu yahay Brussels ayaa sheegtay in hanaanka doorashadda uu khatar ku jiro, maadaama uu hareeyay khilaafaad ka dhashay magacaabista guddiyadda doorashooyinka dalka.
Qorshaha dowladda ee ah inay dhacaan doorashooyinka inta u dhaxaysa December iyo February, ayaa laga cabsi qabaa in la fuliyo, waayo mucaaradka kuma qanacsana qaabka uu Farmaajo wax u wado.
Soomaaliya waxaa ka dhaca doorasho dadban oo odayaasha dhaqanka iyo ergada beelaha ku soo xulaan xubnaha Baarlamaanka labadiisa aqal, kuwaasoo doorta Madaxweynaha, iyadoo la isticmaalayo 4.5.
“Waxaan u maleynayaa inaysan suurta-gal ahayn waqtiga uu qabsadey Farmaajo inay doorashadda ku dhacayso. “Waxaan horey u soo aragnay dib u dhaca magacaabista guddiga doorashada, ooh adda khilaaf uu ka taagan yahay, kadib markii lagu soo daray xubno katirsan Sirdoonka iyo dhaqaalaha dowladda,” ayuu yiri falan-qeeye katirsan ICG.
Dhibaatada kale ayaa ah qaab dhismeedka guddiyada la dhisay ee ka shaqeynaya doorashooyinka. Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada, ayaa isku raacay in si wada jir ah loo magacaabo guddiyada. Laakiin bayaan ay soo saareen talaadadii 12 Musharax Madaxweyne ayaa lagu sheegay in liiska ay ka buuxaan xubno ka socda sirdoonka iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha rayidka.
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku difaacay Farmaajo, isagoo sheegay in Musharaxiinta warkood uu yahay wax lala-yaabo, islamarkaana ay ka muuqato kalsooni iyo rajo la'aan.
Cabdi Cali Xasan, oo ah xubin katirsan Baarlamaanka hadda jira ee Soomaaliya, ayaa eeda dusha uga tuuraya Farmaajo, isagoo xusay in qaabka loo dhisay gudiyadda uu caqabad ku yahay doorashadda iyo horumarka dalka.
Wuxuu sheegay in doorashada dadban ay ka buuxdo Musuq-maasuq, cod-iibasasho, qaraabo kiil, iyo kooxda argagixisada Al-Shabaab, oo laga yaabo inay Xildhibaanno ku yeeshaan Baarlamaanka 11aad.
Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu doonayo in degdeg ku qabto doorasho, kadibna u uku shubto codadka, maadaama aan jirin diyaar-garow la sameeyay, iyadoo Villa Somalia diyaarisay Xildhibaanada dooran doono, oo laga dhigayo dhalinyaro daacad u ah Madaxweynaha, NISA iyo shaqaalaha rayidka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.