Maxay Somaliland u joojisay wada-shaqeynta Hay’adaha QM

Muuse Biixi oo ka hadlayay shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo maanta furmay, ayaa sidoo kale sheegay in Wakiilka QM James Swan uusan matalin Somaliland.

Warar Keydmedia Online
Maxay Somaliland u joojisay wada-shaqeynta Hay’adaha QM

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay sababta ka dambeysa go'aanka uu ku joojiyay wadashaqeyntii hay'adaha UN-ka ee ka howlgali jiray Somaliland.

Isagoo ka hadlayay Shirka xisbiga talada haye ee Kulmiye, ayuu ka sheegay Muuse Biixi inu go'aanka uu ka dambeeyay kadib markii ay ogaadeen in hay'adaha ay ka amar qaataan Villa Somalia markai ay mashaariic ka fulinayaan Somaliland ama deeq dhaqaale siinayaan.

“Hay`adaha waxaan isku khilaafnay in wixii ay na siinayaan ay annaga nagala tashadaan, sida loo fulinayo iyo sida loo qorsheynayo, hadii ay taas yeeli waayaan waxooda ha iska heystaan, ma doonayno in naloo soo mariyo Villa Somalia," ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay hay'adaha QM inay siyaasadda lugaha la galeen, islamarkaana ay siyaasadeynayaan howlaha samafalka, ee oo dadka canshuurta bixiya dalalkooda lacag uga soo uruuriyaan inay samafal u fidinayaan dalalka dhibaateysan.

Somaliland ayaa horey waxay u sheegtay inay hakisay shaqooyinka hay'adaha QM, illaa amar dambe, wuxuuna go'aankaas imaanayaa xili Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sanadkii hore joojiyay qeybta maamulka Hargeysa uga soo aado deeqaha dhaqaale ee Caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.