Maxay tahay sababta Rooble u rabo in dib loo dhigo Kursiga Fahad Yaasiin?

Rooble ayaa dalabka dib u dhigista Kursiga Fahad u tartamayo u diray Gudiga Doorashadda HirShabeelle, balse aan la ogeyn inay aqbali doonaan, maadaama Fahad uu saameyn ku leeyahay doorashadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay sababta Rooble u rabo in dib loo dhigo Kursiga Fahad Yaasiin?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble, ayaa fareglin ku sameeyay doorashadda Kursiga HOP86, oo Fahad Yaasiin u tartamayo, kaasoo dhawaan lagu dooranayo Beledweyne.

Rooble ayaa dalabka dib u dhigista Kursiga Fahad u tartamayo u diray Gudiga Doorashadda HirShabeelle, balse aan la ogeyn inay aqbali doonaan, maadaama Fahad Yaasiin ka baqayaan.

Wararka ayaa sheegaya in sababta RW Rooble u doonayo in dib loo dhigo Kursiga ay tahay in Faarax C/qaadir oo ku fadhiyay uu arrimaha Caaafimaad dalka dibadda ugu maqan yahay.

Fahad Yaasiin ayaa si uu kursigan u boobo Ciidan ugu diray Beledweyne, isagoo u fududeeyay Cali Guudlaawe sanad kadib uu geeyay magaaladda, oo aad looga diidanaa Maamulkiisa.

Waxaa la ogyahay in doorashadda dalka ka socoto uu Fahad Yaasiin saameyn ku leeyahay go'aaminta kuraasta iyo cida ku fariisanaysa, isagoo soo saaraya xubno Farmaajo u codeeya.

Fahad qorshihiisa wuu ka weyn yahay Xildhibaanimo, wuxuu rabaa inuu noqdo ku-xigeenka 1aad ee Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee BFS, kursigiisa oo ku fadhiyay C/weli Muudeey.

Faarax C/qaadir wuxuu ahaa shaqsi awood badan ku lahaa dowladii Xasan Sheekh, sida Fahad saameynta ugu leeyahay Maamulka Farmaajo. Lama huba inuu kursiga kusoo laaban karo.

Rooble ayaa Fahad Yaasiin la galay dagaal culus, isagoo xilka taliyaha NISA ka qaadey sanadkii tagey, si uu Maxkamad usoo taago, maadaama lagu eedeeyay dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Fahad waxaa durbadiiba Farmaajo ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka 2021, si uu uga badbaadiyay in Maxkamad lasoo taago, waxaana labaduba duugeen Kiiska Gabadha la dilay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.