Muqdisho: Nin hubeysan oo laayay Qoys uu Gabar ka qabey

Dadka deriska la ahaa reerka la weeraray ayaa sheegay in dilaaga uu goobta isaga baxsaday kahor inta Ciidanka Dowladda soo gaarin.

Warar Keydmedia Online
Muqdisho: Nin hubeysan oo laayay Qoys uu Gabar ka qabey

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhacdo laga argagaxay, oo xanuun badan ayaa xalay ka dhacday duleedka magaaladda Muqdisho.

Nin ku hubeysan qoriga AK-47 ayaa weerar ku qaadey guriga reerka ay ka dhalatay Xaaskiisa, waxuuna laayay haween iyo caruur oo rasaastii uu guriga ku furey ku dhintay.

"Runtii aad baa looga naxay dhacdadan, oo ahayd mid ku cusub xaafadda Tabeellaha Sheekh Cabdi, ma garanayno sababta ninkaan u laayay reerkii uu gabadha ka qabey, laakiin waxaa naloo sheegay inuu khilaaf hoose jiray," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka, oo Keydmedia Online la hadlay.

Ugu yaraan 4 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 5 kale oo dumar iyo Caruur ay ku jiraan.

Ninka falkan foosha xun geystay ayaan wali gacanta lagu soo dhigin, maadaama uu baxsaday waxyar kadib markuu dadka laayay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.