Muuse Biixi oo qaabiley Wafdi ka socda China

Somaliland ayaa dhawaan xiriir la sameysatay Taiwan, oo iyada lamid ah mudo dheerna baadi-goob ugu Jira aqoonsi caalami ah inay helaan.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo qaabiley Wafdi ka socda China

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi ayaa maanta oo Jimco ah madaxtooyada ku qaabiley wafdi ka socda China, oo Hargeysa booqasho ku tagey.

Wafdi waxaa hoggaaminaya Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “China-Africa Cooperation” (FOCAC), Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaadanaya ku jooga  Somaliland.

Biixi ayaa wafdiga warbixin ka siiyey horumarka ka jira Somaliland iyo nabad-gelyada, taasoo keentay in dalal iyo shirkado ajnabi ah ku dhiiradaan inay maalgashadaan khayraadka kala duwan.

Wafdiga China iyo Somaliland ayaa isku af-gartey in yeeshaan xiriir wanaagsan oo ku dhisan ixtiraam iyo in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xili China dhawaan ka carootey xiriirka Somaliland la yeelatay Taiwan, iyadoo wafdi uu hogaaminayo safiirkeeda Soomaaliya Qin Jian u dirtay magaaladda Hargeysa, kaasoo lagu soo waramayo inuu Muusi Biixi la qaatey wadahadal qarsoodi ah.

Somaliland ayaa 29 sano sheeganaysay inay Soomaaliya ka go'day, iyadoo aysan helin wali wax aqoonsi caalami ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.