Muuse Biixi oo u ambabaxay Jabuuti

Socdaalka Muuse ayaa yimid kadib casuumaad u uka helay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo aan la ogeyn wuxuu ugu yeeray oo ay kawada hadli doonaan.

Warar Keydmedia Online

HARGEYSA, Soomaaliya - Waxaa saakay Garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ka duulay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo, oo kusoo jeeda dalka Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa Casuumaad u fidiyay Muuse Biixi, waxaana lagu wadaa inuu la yeesho wadahadallo looga hadli doono arrimo aan wali la shaacin, laakiin aan ka baxsanayn amniga, iskaashiga iyo kuwa kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.