Muxuu Sh/Hoose u noqday xudunta dagaallada?

Gobolkan ayaa leh khayraad aad u baaxad wayn, wuxuuna caan ku yahay beeraha maadaama uu maro Webiga Shabelle oo dadka beeralayda ah uga faa'idayta wax soo saarka.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Sh/Hoose u noqday xudunta dagaallada?

MUQDISHO, Soomaaliya - Tartanka khayraadka uu leeyahay ayaa ka dhigtay gobolka Shabeellaha Hoose xudunta dagaallo aan dhamaad lahayn oo u dhaxeeyay dhinacyo kala duwan, kuwaasoo Al-Shabaab ay qeyb ka tahay.

Gobolka oo ka kooban 7 degmo, magaalo madaxdiisuna tahay Marka ayaa leh dhul beereed aah u ballaaran, oo laga soo saaro khudradda ugu badan ee laga cuno Muqdisho, waxaana usii dheer dhaqashadda xoolaha isagu jira Geella, Ariga iyo Lo'da.

Degmooyinka Kunturwaareey iyo Sablaale ayay Al-Shabaab ka maamushaa, halka shanta degmo ee kale ay dawladda gacanteeda ku jiraan, laakiin degaanada ugu badan waxaa ku sugan argagaxisadda.

Dadka degaanka oo lagu qiyaaso 1,399 868, waxay dhexda ka galeen dagaal dibadda uga yimid, oo aysan lug ku lahayn kaasoo u dhaxeeya Ciidamo Ajnabi ah iyo Al-Shabaab, kuwaasoo isku haya Maamulka Gobolka, oo gacan ku heyntiisa mudo dheer marba Koox ama qof isku bedelayay.

Al-Shabaab ayaa ku ukumo dhashay Gobolka oo mudo ku dhaw 10 sano maamulaysay, waxayna hadda kula dagaalamaysaa Ciidamada dawladda, AMISOM iyo kuwa Mareykanka, oo saldhigyo ku leh.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee u dhamaan la'yahay dagaalka waxaa kamid ah in Beelaha degan oo dhexdooda colaad ka dhaxeyso, taasoo Al-Shabaab ka faa'idaysatay, waxaana jira wada-shaqeyn la'aan Ciidamada ka howlgala, oo dano kala duwan u jooga.

Dembiyo dagaal ayaa ka dhacay gobolka mudadii dagaallada Sokeeye dalka ka socdeen, waxaana wali jira raadadkii hore oo ugu darsan tahay fekerka argagaxisadda ay Al-Shabaab ku beertay bulshadda, iyadoo caruur badan ku askareysay mudadii ay ku xoog badnayn.

Hogaamiyaal waaweyn ayaa Al-Shabaab looga dilay gobolka, oo uu kamid yahay Axmed Godane, oo Sep 2014 duqeyn diyaaradeed Mareykanka uu ku khaarijiyay duleedka magaaladda xeebta leh ee Baraawe.

Dhaqaalaha ugu badan ayaa Al-Shabaab ka heshaa gobolka, oo shacabka ku dhaqan ka qaado canshuur, xoolo dhaqatada, beeralayda iyo ganacsiga, iyadoo sidii kale u yahay meel ay kasoo abaabusho weerarada Muqdisho, maadaama deris la yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.