Muxuu salka ku hayaa safarka Deni ee Baydhabo?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Baydhabo, oo uu ku tagey booqasho ku timid casuumaad uu u fidiyay Lafta-Gareen.

Warar Keydmedia Online
Muxuu salka ku hayaa safarka Deni ee Baydhabo?

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ujeedka uu u tagey Baydhabo ay tahay inuu xoojiyo xiririka Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo is-dhexgalka bulshadda.

Deni ayaa sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed wadaagaan cilaaqaad soo jireen ah, oo labada shacab mudo dheer ay is deganaan jiraan, inkastoo mudooyinkii colaadaha lakala cararay, maadaama dagaal qabiil uu dalka ka socday.

Talyeyaal hore oo booliska Soomaaliya soo maray ayaa qeyb ka ah wafdiga Deni ee gaarey Baydhabo, kaasoo mudo maalmo ah magaaladda sii joogi doono iyadoo ay wadahadallo la yeelanayaan madaxda Maamulka KG iyo qeybaha bulshadda.

Waxaa xusid mudan in 10-kii sano ee lasoo dhaafay, dhibaatooyin xoog leh bulshadda reer Koonfur Galbeed loogu geysanayay degaanada maamulka Puntland, kuwaasoo dil iyo xad-gudubyo kale la isagu daray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.