KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Baydhabo ayaa mudooyinkii dambe ka jireen xiisado siyaasadeed, kadib markii uu dhamaadey mudo-xileedka Lafta-Gareen, oo ku ekaa 19-kii bishan.
BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey ee Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen, ayaa ka hadlay dagaal saacado qaatay oo shalay ka dhacay Baydhabo.
Muuqaal kooban oo Madaxtooyadda KG soo daysay ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay wixii dhacay, isagoo balan-qaadey in lagu sameyn doono baaritaan dhab ah waxa keenay xabada.
Lafta-gareen ayaa horey u sheegay inaysan Baydhabo ka soconaynin wax la yiraahdo Badbaado Koonfur Galbeed, islamarkaana uu cagta marin doono cid walba oo isku dayda inuu abuuro.
Koonfur Galbeed doorashadii ugu dambeysay December 2018 waxaa ku daatey dhiig badan, waxaana xiligaasi uu Lafta-Gareen ku fariistay Kursiga oo Farmaajo qori caaradiisa kusoo saarey.
Xaafadda Bardaale ee Baydhabo waxaa ka jira barakac ay dadka shacabka sameynayaan, waxaana lagu arkay Malleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeeda Mudo-korarsiga Lafta-Gareen.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.