Muxuu yahay balan-qaadka Beesha Caalamka u sameysay Aadan Madoobe?

Waxay sheegeen inay la taageerayaan sidii uu ku dhamestiri lahaa doorashadda Madaxweynaha oo wali aan la go'aamin waqtiga ay dhacayso.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay balan-qaadka Beesha Caalamka u sameysay Aadan Madoobe?

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gollaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Madoobe, ayaa maanta kulan la yeeshay Saaxiibbada Beesha Caalamka oo fadhiya xerada Xalane.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii doorashada lagu soo gabagabeyn lahaa si nabdoon oo waafaqsan hannaanka doorashada dadban iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Xubnaha Beesha Caalamka, oo ay kamid yihiin Safiiradda Mareykanka iyo Ingiriiska, ayaa balan qaadey in ay Guddoomiyaha gacan ka siin doonaan dhameystirka doorashada dalka, oo heer gaba-gabo ah hadda mareysa, iyadoo ay harsan tahay mida Madaxweynaha.

Beesha Caalamka ayaa horey ugu baaqey in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qabto doorashadda Madaxtinimada, si dalka uu uga baxo firaaqa dhanka awoodda sare, oo mudo ka badan aan jirin Madaxweyne sharciyad haysta oo Villa Soomaaliya jooga.

Farmaajo ayaa ku darsaday sanad iyo 3 bilood, mudo-xileedkiisa afarta sano oo ku ekaa Feb 8 sanadkii tagey, iyadoo uu isku dayay labo jeer inuu dalka ka sameeyo afgembi lamid ah midkii Siyaad Barre 1969-kii, oo kudoo dhamaadey dagaalkii Sokeeye ee qarxay 1991-dii.

Waxaa hadda Soomaaliya u iftiimaya ileys cusub, iyadoo laga baxayo hubanti la'aantii doorashadda, waxaana la filayaa in Kulan berri ay Xildhibaanada ku go'aamiyaan waqtiga la qaban doono doorashadda Madaxweynaha.

IMF ayaa ka digtay inay joojinayso taageeradeeda dhaqaale, hadii aysan Soomaaliya helin dowlad cusub oo dib u eegis ku sameyso barnaamijka deyn-cafinta bishan May, waxaana arinta laga yaabaa inay dedejiyo doorashadda Madaxweynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.