New York Times oo Maqaal ka qoray Farmaajo

Qormada ayaa lagu soo bandhigay taariikhda madow ee Farmaajo, oo salka ku haysa xukun isku-dhejis iyo kaligii-talisnimo, taasoo ah casharadda lagu soo barbaariyay xilligii kacaanka Maxamed Siyaad Barre.

Warar Keydmedia Online
New York Times oo Maqaal ka qoray Farmaajo

WASHINGTON - Wargeyska New York Times ee laga leeyahay Mareykanka ayaa ka qoray Farmaajo maqaal dheer oo cinwaan uga dhigay “Maamule ka yimid Buffalo oo Soomaaliya qarka u saaray dagaal sokeeye”.

Qormada ayaa lagu soo bandhigay taariikhda madow ee Farmaajo, oo salka ku haysa xukun isku-dhejis iyo kaligii-talisnimo, taasoo ah casharadda lagu soo barbaariyay xilligii kacaanka Maxamed Siyaad Barre.

Wargeyska ayaa sheegay in Farmaajo burburiyay Urur ay lahayd jaaliyadda magaaladii uu noolaa ee Bufallo, oo markii muddo-xileedkiisa gudoomiye-nimada dhamaadey uu diiday inuu xafiiska wareejiyo.

Markii uu Madaxweynaha noqday 2017, mudadii afarta sano ee xafiiska uu joogay wuxuu shacabka ka dhex-abuuray qabyaalad kala qeybin, taasoo keentay inay Soomaaliya dib ugu laabato halkii laga keenay.

Warbixinta New York Times ayaa sidoo kale banaanka soo dhigtay in Farmaajo sababtuu Baasaboor US u celiyay ay ahayd in Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ku billowday baaritaan dhaqaalihiisa gaarka.

Xukunka isku-dhejiska waa mida dib u dhigtay doorashadda Soomaaliya, waxayna dhashay in Muqdisho ka billowday Ciidamo aruursi iyo abaabulka dagaal oo Farmaajo looga saarayo xarunta Madaxtooyadda.

Habdhaqan siyaasadeedka laga bartay Farmaajo waxaa kamid ah in talada la isku koobo iyo in cidii kasoo horjeysata fekerkiisa la colaadiyo, laguna tilmaamo qaran-dumis iyo baraha bulshada dhaqaale lagu bixiyo cayda madaxdii hore iyo shaqasiyaadka dhaliila siyaasadda dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.