Nin dad ku laayey duleedka Muqdisho oo lagu qabtay Gaalkacyo

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qabashada gacab-ku-dhiigle dil wadareed ka geystay dhawaan nawaaxiga Muqdisho, kaasoo lagu qabtay magaaladda Gaalkacyo.

Warar Keydmedia Online
Nin dad ku laayey duleedka Muqdisho oo lagu qabtay Gaalkacyo

MUQDISHO, Soomaaliya - Aweys Cisman Cabdi, oo 9-kii bishan July ee 2020 ku dilay afar qof oo isku qoys ahaa degaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo katirsan Garasbeeleey ayaa lagu qabtay magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta Gobolka Mudug.

Sida uu xaqiijiyay Qaasim Sheekh Doon Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Mudug, Qabashada ninkan ayaa ku timid iskaashi ay sameeyeen Hoggaanka Baarista Dembiyada [CID] iyo Boliiska Galmudug oo markii uu dilka dhacay kadib isla wadaagay macluumaadka ninkan.

Aweys ayaa qoriga AK-47 u adeegsaday dilka dadka shacabka ahaa, oo la sheegay inuu ku weeraray gurigooda oo ku yaalla xero barakacayaal degaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim xili ay aas u sameynayeen gabar uu horey uga dilay isla qoyska.

Lama oga wali sababta uu falkan fooshan xun ugu kacay, laakiin wararku waxay sheegayaan in qoyska uu Aweys laayay ka qabey Gabar, taasoo iyana kamid ahayd dadka uu dilay, waxaana markii dambe uu ka cararay goobta isagoo u safray Puntland, si uu cadaaladda uga baxsado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.