NISA oo caqabad ku ah sharciga la dagaalanka argagaxisadda

Fahad Yaasiiin ayaa ku buuxiyay hay'adda Nabad Sugida xubno Al-Shabaab, waxayna ka dhigay NISA meel argagaxisadda ay abaabusho dilalka iyo qaraxyada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
NISA oo caqabad ku ah sharciga la dagaalanka argagaxisadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasirkii hore ee amniga dowladdii Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Fahad Yaasiin, taliyaha NISA inuu caqabad ku noqday ansixinta sharciga la dagaalanka argagaxisadda, oo September 2017 Xukuumadda usoo gudbisay Gollaha Shacabka.

Wuxuu sheegay in NISA 1972 lagu dhisay si aan sharci ahayn. Sababta uu Fahad Yaasiin hadda u diiday sharcigan in la meel-mariyo ayaa ah inay ku jiraan qodobo dhigayo in hay'adda la horgeeyo Baarlamaanka, oo dib loogu laabto sharciyadda ay ku dhisan tahay.

"Ma jirto sharci uu ogyahay Baarlamaanka oo ku dhisan tahay, kuna shaqeynayso NISA," ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaanka, wuxuuna ku baaqay in lala xisaabtamo Fahad Yaasiin, maadaama uu jebinayo xeerarka iyo dastuurka dalka.

NISA ayaa 4 sano ee lasoo dhaafay isku bedeshay hay'ada mucaaradka iyo saxaafadda lagu caburiyo, sidoo kalena loo adeegsado dano siyaasadeed, iyadoo laga weeciyay shaqadii Sirdoonka qaranka iyo la dagaalanka argagaxisadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.