Puntland iyo Somaliland oo qarka u saaran inuu dagaal dhexmaro

Maalin ka hor ayaa waxaa degaanka Tukaraq gaaray Abaan-duulaha Ciidamada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Bulllaale, oo halkaasi ka sheegay inay u diyaar garoobeen dagaal cusub.

Warar Keydmedia Online
Puntland iyo Somaliland oo qarka u saaran inuu dagaal dhexmaro

TUKARAQ, Soomaaliya - Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa Ciidamo iyo gaadiid dagaal u diray jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan degaanada Tukaraq ee gobolka Sool oo labada dhinac dhowr ku dagaalameen tan iyo 2018.

Wararka Keydmedia Online ka helay Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay in Somaliland ay wado dhaq-dhaqaaq Military, iyadoo degaanka ay soo saareen Askar horleh oo difaacyo cusub ka sameytay Tuuladda duleedkeeda, dhinac Garowe xigta.

Sidoo kale, Puntland ayaa dhankeeda xoojisay difaacyadeeda, waxayna ku wargelisay Ciidamada ka jooga banaanka Tukaraq , oo ku dhaw Laascaanood inay isku diyaariyaan iska difaacidda duulaanka ay damacsan tahay Somaliland.

Dadka degaanka ayaa soo foodsaartay Cabsi xoog leh, waxayna qaar billaabeen inay guryahooda ka barakacaan maadaama ay xili kasta suurta-gal tahay inuu dagaal billowdo, maadaama ay xiisadda sii kululaanayso.

Somaliland ayaa la wareegtay Tukaraq January 2018 kadib duulaan Ciidankeeda ku qaadeen kuwa Puntland, oo mudo halkaas ku lahaa saldhigyo, iyagoo ka ilaalin jiray Garowe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.