Heshiiska DP World ee dekadda Boosaaso oo khatar ku jira

Isagoo shalay ka hadlayay furitaanka kal-fadhiga 47aad ee Baarlamaanka Puntland, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Maamulkiisa uu ka walaacsan yahay fulin la'aanta heshiiska dekadda Boosaaso oo ay la galeen horaantii 2017 shirkadda P&O Port, oo ay leedahay DP World.

Warar Keydmedia Online
Heshiiska DP World ee dekadda Boosaaso oo khatar ku jira

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, ayaa caddeeyay inuu jiro khilaaf kala dhaxeeyay Maamulkiisa Shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee P&O ports, oo ay leedahay DP World.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii Shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ay joojisay shaqadii lagu ballaarinayay Dekadda Boosaaso, kadib markii lagu dilay madaxii howlgalka sanad kahor, iyadoo Qatar lagu eedeeyay weerarka.

Deni oo ka hadlayay furitaanka kal-fadhiga 47aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa u sheegay Xildhibaanada inuu socdo wadahadal lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka, islamarkaana dib loogu soo celinayo shirkadda P&O ports, oo shaqaalaheeda mar hore la baxday.

DP World ayaa u aragtay in Dekadda Boosaaso aysan faa'ido kasoo gali doonin, maadaama ay wax kasoo degsadaan dadka reer Puntland oo kaliya, oo lagu qiyaaso illaa 3 milyan inay dhan yihiin.

Lacag gaaraysa 336 milyan oo dollar ayuu markii hore ahaa heshiiska ay P&O ports ku maalgelinayso dekadda, laakiin waxaa hadda muuqata inuu heshiiskaas burburay, islamarkaana suurtagal tahay in wadahadallada socda ay qeyb ka tahay in heshiis cusub la gaaro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.