KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Illaa hadda Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa soo gudbiyay xubnaha laga sugayay, waxaana dhiman Galmudug, HirShabeelle iyo Jubbaland.
GAROWE, Soomaaliya - Puntland ayaa magacawday afar xubnood oo ku matali doona gudiyadda doorashooyinka heer qaranka iyo heer Federaal, oo waqtigii lagu heshiiyay in la dhiso labo jeer dib u dhac ku yimid.
Warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Saciid Deni oo ku socota xafiiska Ra'iisul wasaare Rooble ayaa lagu dhaaciyay magacaabista C/weli Tima-Cadde, Muuse Geelle Faroole, Burhaan Cilmi Filig iyo gabar la taliye madaxweyne ah.
Rooble ayaa maalmo ka hor warqad u qoray hogaamiyaasha Maamullada si ay ugu soo gudbiyaan liiskooda xubnaha uga wakiilka noqon doono gudiyadda doorashooyinka ugu dambeyn 20-kii bishan, oo labo maalmood ka gudubtay.
Galmudug, Hirshabeelle, iyo Jubbaland ayaa sidoo kale lagu wadaa inay xubnahooda u gudbiyaan Ra'iisul Wasaaraha dalka, oo u muuqday inuu ka gaabinayo arrimaha diyaarinta doorashadda, oo hal bil kahartay.
Doorashadda waxay billaabanaysaa 1-da December 2020, oo Senator-ka ugu horeeya la dooran doono, iyadoo ay socon doonto illaa February 8, 2021 oo Madaxweynaha la dooranayo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.