Qarax ka dhacay Buur Hakaba

Qaraxa ayaa sida dadka goobjooga ahaa sheegeen lala eegtay askar ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku sugnaa suuqa.

Warar Keydmedia Online

BUUR HAKABA, Soomaaliya - Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qarax ka dhacay maanta degmada Buur Hakaba, ee gobolka Baay uu ku geeriyooday hal askari, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka.

Qaraxa miino ayaa waxaa lala eegtay askar katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugnaa suuqa lagu iibiyo xoolaha, halkaasi oo canshuur ay ka qaadaan dadka baadiyaha ka keena Xoolaha isagu jira ari, lo' iyo geel.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse waxay Saraakiisha amniga ku eedeeyeen Al-Shabaab, oo horey falal argagaxiso uga fulisay wadanka qeybo kamid ah, sida Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.