Qarax ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Qaraxa ayaa dhacay kadib dagaal xoog leh oo ka dhacay degaanka Miir Duugle oo dhinaca Bari ka xiga magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Hal askari ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo kolonyo Ciidan lagula eegtay maanta duleedka magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug.

Qarax ayaa haleelay gaari Cabdi-Bille ah, oo la socotay askar gurmad ah oo kusii jeeday tuuladda Miir Duugle oo dhinaca Bari ka xiga magaalada Dhuusamareeb, haljkaasi oo ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo Kooxda Al-Shabaab.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, oo ah taliyaha Ciidamada Xooga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab lagu jebiyay dagaalka, islamarkaana looga dilay Malleeshiyaad badan. [Halkan ka akhri Warka].

Al-Shabaab ayaa fariisamo ku leh tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla nawaaxiga Dhuusamareeb, halkaasi oo ay kasoo qaado weeraro ka dhan ah magaaladda oo xarun u ah Galmudug, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in la xoojiyay amniga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.