Qatar Airways oo dib u billaabaysa duulimaadka Muqdisho

Shirkadda ayaa sheegtay inay adeegga duulimaadka Soomaaliya u isticmaalayso diyaarado casri ah [Airbus A320], taasoo leh 12 kursi oo business class ah 120 kursi oo economic class ah.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Qatar Airways ayaa ku dhawaaqday Maanta inay 6-da September dib u billaabayso duulimaadka Soomaaliya, waxayna saddex jeer Todobaadkii duulimaad toos ah ku sameyn doontaa Muqdisho, oo ah Magaaladda ugu dadka badan dalka.

Gudoomiyaha Shirkadda Akbar al-Baker ayaa ku dhawaaqay dib u billaabidda duulimaadka, oo mudo dhowr bilood ah hakad ku jiray sababo la xiriirka caabuqa COVID-19, oo saameyn xoogann aduunka ku yeeshay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.