QM oo niyad-jab ka muujisay Shirka Dhuusamareeb

Ergayga QM ee Soomaaliya James Swan oo Gollaha Amniga Warbixin ka siiyay Maanta xaaladda dalka ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Deni ay diideen inay ka qeybgalaan Shirka.

Warar Keydmedia Online
QM oo niyad-jab ka muujisay Shirka Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta Gollaha Amniga siiyay warbixin ku saabsan arrimaha Soomaaliya, sida siyaasadda, amniga, bini'aadanimada, xuquuqda aadanaha, doorashooyinka iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Swan ayaa ku sheegay warbixinta in Beesha Caalamka ay niyad-jab ka muujinayso Shirka Dhuusamareeb 3, kadib markii Madaxda Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay diideen kasoo qeybgalka kulanka, oo muhiim u ah doorashooyinka soo socdo.

Wuxuu xusay in Saaxiibada Beesha Caalamka wakiiladda u jooga Muqdisho iyo madaxda Siyaasadda Soomaaliya ay xiriiro la sameeyeen Deni iyo Axmed Madoobe, balse ay ku adkaysteen go'aankooda inaysan ka qeybgalin Shirka, taasoo hoos u dhigaysa rajadii laga filayay wadahadallada.

James waxa uu tilmaamay inay fahansan yihiin xiligan inay Soomaaliya ka jirto xiisad siyaasadeed oo heerkii ugu sareysay gaartey iyadoo doorashadda waxyar ka dhiman tahay, islamarkaanka kala qeybsanaanta iyo kala aragti-duwanaanta ay dhbaato ku tahay geedi-socodka dib usoo celinta dalka, oo mudo 30 sano colaad kusoo jiray.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa shuruud uga dhigay ka qeybgalkooda Shirka marka hore inuu Farmaajo magacaabo Ra'iisul Wasaare iyo xukuumad fulinaysa heshiiska iyo in Beesha Caalamka ay goobjoog ahaato, si ay u damaanad-qaado fulinta.

lama oga halka ay Soomaalida aadi doonto hadii la gaaro waqtiga doorashadda, islamarkaana dhamaado xiliga dowladda Farmaajo, laakiin waxaa muuqata in la qorsheeyay Mudo-korarsi laga digayo dhibaatooyinka ka dhalan doono.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.