Qodobada caqabada ku noqday Doorashada Soomaaliya

Saddex qodob, oo mid kamid ah Axmed Madoobe wato ayaa hortaagan inay dhacdo doorashadda dalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Qodobada caqabada ku noqday Doorashada Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Heshiiskii Madaxda DF iyo Maamullada ku gaareey Muqdisho 17-kii Sep. 2020 waxaa kasoo baxay saddex qodob oo abuuray khilaaf xooggan kaasoo sababay in doorashadda dib u dhac ku yimaado.

Qodobadda la isku mari waayay illaa hadda ayaa kala ah: 1- Xubnaha Guddiga Doorashada Heer Federaalka, 2- Xubnaha Guddiga Doorashada Somaliland, 3- Maamulida Gobalka Gedo ee Jubbaland State.

Xubnaha Guddiga Doorashada Heer Federaalka waxay Maamullada Jubbaland iyo Puntland oo ay la socdaan Musharixiinta Mucaaradka ayaa dood ka keenay sida loo soo xulay, iyagoo sheegay in Farmaajo kusoo daray askar katirsan NISA, Shaqaalaha dowladda iyo taageeriyeyaashii baraha bulshadda.

Waxay dalbadeen in dib loogu laabto, oo laga saarey xubnaha aan dhex-dhexaadka ahayn, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah, oo dhinacyada kuwada qanacsan yihiin.

Xubnaha Guddiga Doorashada Somaliland, waxaa lasoo jeediyay in Cabdi Xaashi looga dambeeyay soo magacaabistooda, maadaama uu yahay siyaasiga ugu sareeya dadka kasoo jeeda gobollada Waqooyi ee ku matalaya DF.

Maamulida Gobalka Gedo ee Jubbaland State, waa arinta ugu culus ee Farmaajo diiday inuu ka tanaasulo, maadaama gobolka Beeshiisa ay degto islamarkaana hadii Axmed Madoobe loo dhiibo ka imaan karto inay waayaan xaquuqdooda matalaadda dowladda dhexe.

Si xal looga gaaro saddexdan qodob, waxay dhinacyada magacaabeen gudiyo kuwaasoo hadda shir uga socda Baydhabo si ay uga soo saaraan talooyin u gogol-xaaraya inay Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha Maamullada ay heshiis ku garaan shirka la filayo inuu dhexmaro dhawaan.

Shirkan madaxda sare ayaa lagu waday inuu Shalay ka furmo Garoowe, balse baaqday kadib markii Jubbaland iyo Puntland ay soo jeediyaan inuu ka dhacao Muqdisho, lana ballaariyo gogosha, iyadoo lagu casuumayo Musharixiinta iyo Bulshadda rayidka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.