KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxaa la filayaa in saddexda Madaxweyne ay Shir ku yeeshaan Baydhabo, kahor inta aysan soo aadin Muqdisho oo 10-ka bishan ay uga qeybgali doonaan kulanka Farmaajo iclaamiyay.
BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Maanta ka degay garoonka magaaladda Baydhabo, oo si aad ah loogu soo dhaweeyay, iyadoo uu kaga sii horeeyay halkaasi dhigiisa HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Lafta Gareen ayaa ku casuumay labada Madaxweyne shir ay uga arinsanayaan kulanka Muqdisho, maadaama ay horey u saxiixeen heshiiska doorashadda hadda dib loo furay ka hadalkiisa si loo qanciyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland.
Axmed Madoobe iyo Deni ayaa ku dhawaad 2 todobaad ku sugan Muqdisho, iyadoo sharuudo adag wata, oo ay kamid tahay in dowladda u fasaxdo qeybta laga siiyay 55 milyan oo dollar oo World Bank ugu deeqay kabista miisaaniyadda dalka.
Mareykankaa ayaa cadaadis ku saaraya Maamul Goboleedyada iyo Farmaajo inay heshiis loo dhan yahay ka gaaraan arrimaha doorashadda, oo hanaankeeda la isku khilaafsan yahay, xili waqtiga uu sii dhamaanayo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.