Qoor Qoor oo magacaabey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare loogu magacacabay inuu nqodo Cabdullaahi Maxamuud Gacal.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo magacaabey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

DHUUSAMAREEB - Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Maanta u magacaabey Cabdullaahi Maxamuud Gacal inuu noqdo gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, waxaana isla markiiba lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyadda.

“Waxaa galabtay madaxweynaha Galmudug uu magacaabay, isla markaana lagu dhaariyey madaxtooyada guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dawladda Galmudug Md. Cabdullaahi Maxamuud Gacal oo 45-kii sano ee la soo dhaafay Garsoorka dalka ka mid ahaa. Galmudug waxaa u buuxsamay tiirkii 3-aad ee hey’adaha dawladnimada oo baahi weyn loo qabay” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Guddoomiyaha Cusub ayaa 45-tii sanno ee la soo dhaafay uu kamid ahaa xubnaha Garsoorka dalka Soomaaliya, isagoo leh qibrad shaqo iyo aqoon durugsan oo dhinaca sharciga, sida lagu sheegay wareegtada Qoor Qoor.

Cabdullaahi ayaa 2 maalin kahor iska casiley xeer ilaaliyaha guud ee HirShabeelle, kahor inta uusan tagin Dhuusamareeb, oo xilka Sare Qoor Qoor u magacaabin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.