Qoor Qoor oo qaabilay CC Shakuur

Safarka Siyaasiga ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Dhuusamareeb lagu soo afjaray Kulankii Farmaajo iyo qaar kamid ah Maamul Goboleedyada kaasoo laga soo saarey heshiis aan loo wada dhameyn, oo hanaanka doorashada ku saabsan.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo qaabilay CC Shakuur

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, oo booqasho ku tagey Dhuusamareeb.

CC Shakuur ayaa sheegay in kulanka oo saacado qaatey ay uga hadleen isaga iyo Qoor Qoor arrimo dhowr ah, ay ugu horeeyaan xaaladda siyaasadeed ee xiligan dalka ku jiro iyo doorka Galmudug ee isagu keenida dhinacyada is khilaafsan.

“Waxaan kulan saacado badan qaatay aniga iyo wafdigayga la qaadanay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Cabdi Kaariye. Kulanka ayaan diirada ku saarnay xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo guulihii shirarkii Dhuusmarreeb. Waxaan madaxweynaha isla garanay kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaljya. Waxaan mar kale madaxweynaha ugu mahadcelinayaa soo dhowaynta milgaha leh ee uu inoo fidiyey aniga wafdigaygaba” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Lama oga ujeedka socdaalka CC Shakuur, waxaana wararka ay sheegayaan inuu booqanayo Garowe, halkaasi oo Axmed Madoobe uu ku sugan yahay isagoo kulamo la leh Deni oo ay isku mowqif ka noqdeen Heshiiskii Dhuusamareeb.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.