Qoor Qoor oo safarkii ugu horeeyay ku tagey Jabuuti

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shirar muhiim ah la yeelan doono madaxda Jabuuti, oo uu ku jira Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhawaan qaabilay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo safarkii ugu horeeyay ku tagey Jabuuti

JABUUTI - Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta soo gaaray dalka Jabuuti Maanta oo Arbaco ah, waana safarkii ugu horeeyay oo Qoor Qoor ku tago dalkaas.

Waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa masuuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jabuuti, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Jibuuti, Danjiraha Jabuuti u fadhiya Muqdishu iyo mas'uuliyiin sare.

Qoor Qoor ayaa shirar muhiim ah la yeelan doono madaxda Jabuuti, oo uu ku jira Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhawaan qaabilay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Maamulka Galmudug wali si rasmi ah uma shaacin ujeedka uu Madaxweynaha u tagey Jabuuti, laakiin waxaa la filayaa inuu dhawaan soo saaro bayaan ku aadan wadahadallada uu la qaadan doono Madaxda dalkaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.