Qoor Qoor oo Safiirka Qatar kala hadlay dhismaha Dekedda Hobyo

Kulankaan oo ah Midkii ugu horreeyay oo Qoor Qoor la yeesho Safiirka tan iyo doorashadiisii Febuary 2020, wuxuuna kala hadlay goorta la fulinayo ballanqaadkii Qatar ee dhismaha Dekedda Hobyo.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo Safiirka Qatar kala hadlay dhismaha Dekedda Hobyo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], oo maalmahan ku sugan Muqdisho, ayaa kulan kula yeeshay hoyga uu ka degan yahay Caasimadda Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Hasan bin Hamza Asad Mohamed.

"Waxaa maanta [Khamiis] hoygeyga Muqdishu kusoo dhaweeyay safiirka Dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xamza iyo wafdi uu hoggaaminayay. Safiirka waxaan iska xogwareysannay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka iyo tan Galmudug," ayuu ku yiri Qoor-Qoor qoraal uu bartiisa Twitter soo dhigay.

Dawladda Qatar ayaa AUGUST, 2019 sheegtay inay maal-gashi ku sameynayso Dekekadda Hobyo, kadib markii wafdi uu hogaaminayay Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkan hodonka ku ah Saliida ee ku yaalla Khaliijka Carabta uu booqasho ku yimid Muqdisho, lana kulmay RW Xasan Cali Kheyre.

Shirkadda Qatar Ports Management Company (Mwani), ayaa heshiis maal-gashi la gashay Dawladda Federaalka, kaasoo qeyb ka ahaa dhismaha Dekedda Hobyo, oo mudo shacabka degan degaanada Galmudug u baahi qabeen inay u shaqeyso, oo wax kasoo degsadaan.

Dekedda Hobyo waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah, oo ku dhaw gacan-biyoodka muhiimka ah ee Bab-el-Mandeb Strait, oo Maraakiibta aad u isticmaasha, waxaana hadii la dhiso fududeyn doontaa ganacsiga Soomaaliya iyo Caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.