Qoor Qoor, Waare iyo Lafta Gareen oo gaarey Muqdisho

Madaxda Maamul Goboleedyada saddexda ah ayaa si weyn loogu so dhoweyey magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka, iyadoo Garoonka uu ku qaabiley duqa Caasimadda Cumar Filish.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa gelinkii dambe ee Maanta Muqdisho soo gaarey Madaxweyniyaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, Qoor Qoor, Waare iyo Lafta Gareen, oo la filayo inay berri ka qeybgalaan kulanka guud ee lagu dhameytirayo heshiiskii lagu gaarey Dhuusamareeb ee hanaanka doorashadda.

Saddexda Madaxweyne ayaa eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland kahor inta aysan kasoo wada duulin maanta magaaladda Baydhabo, oo ay ku yeesheen Shir saacado socday, oo ay uga soo tashanayeen mowqifkooda ay la tagi doonaan miiska wadahadallada ka furmaya Villa Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.