Qorshaha Masar iyo xiriirka cusub ay la yeelaneyso Somaliland

Masar ayaa la rumeysanyahay in u jeedka ugu weyn ay Somaliland xiriir ula sameyneyso uu yahay in ay saldhig Milateri ka furato.

Warar Keydmedia Online
Qorshaha Masar iyo xiriirka cusub ay la yeelaneyso Somaliland

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka Somaliland ayaa qorsheynaya in uu xiriir cusub la sameysto dowladda Masar, sida uu Warsidaha Daily News Egypt uu sheegay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Somaliland ay dooneyso in ay xiriir iskaashi, mid Dhaqaale iyo mid Ganacsi la yeelato Masar, isagoona hoosta ka xariiqay in dhawaan magaalada Hargeysa ay soo gaareen wafdi heer sare oo ka socoda Masar.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Masar ay khibrad u leedahay barista arrimaha Macdanta oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka Soomaalida, isagoona xusay in Somaliland ay khibradaas ka faa’iideysaneyso, fursadna u aragto.

Mar wax laga weydiiyay arinta ku saabsan xiriirka cusub ee Somaliland iyo Masar in uu dhaawici karo kan ay la leeyihiin Itoobiya ayuu sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin, isla markaana ay doonayaan in ay dhex dhexaadiyaan labada dhinac.

Dowladda Masar ayaa tix-gelineysa in ay saldhig military ka sameysato Somaliland, taas oo ay u aragto istiraajiyadda siyaasadeed ay ku yeelan karto Geeska Afrika oo ay ku loolamayaan dalal badan oo reer galbeedka ah.

Arintaan ayaa imaaneysaa Sannad kadib, markii ay soo shaac baxeen wararka sheegaya in Ruushka uu raadinayo in uu Saldhig ka sameysto Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. 

Si kastaba maamulka Somaliland oo ah maamul aan aqoonsi caalami ah ka heysan dunida ayaa dhumuc u noqonaya halka ay saldhiyo ka sameynayaan dalalka ku loollamaya awood ku yeelayasha istiraajiyadda Geeska Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.