Shacabka Laascaanood oo diidan kamid ahaanahaha Somaliland

Dadka ku nool Magaalada Laascaanood, kuma qanacsana ka mid ahaanshaha maamulka gooni isu taaga ku dhawaaqay ee Somaliland, iyagoo si joogta ah u dhiga dibad baxyo ka dhan ah maamulkaasi.

Warar Keydmedia Online
Shacabka Laascaanood oo diidan kamid ahaanahaha Somaliland

SOOL,Soomaaliya - 8-dii sano ee ugu danbeysay waxaa badanayey tabashada ay bulshada gobolka Sool ka qabaan Somaliland, iyagoo sheegaya in maamulka uu degaannadooda ka geysanayo tacadiyo joogta ah.

Dibadbixii ugu danbeeyey ayey dhigeen maalintii shalay ahayd, iyagoo ka cabanaya inuu aad u liito horumarka dhanka mashaariicda ee degannada gobolka Sool, waxaana dadkii ku banaanbaxay Laascaanood oo u badnaa dhallinyaro, ay sheegayeen in aanay diyaar u ahayn ka sii mid ahaanshaha Somaliland.

Bulshada reer Laascaanood ayaa marka ay dhigayaan dibadbaxyada guba calanka Somaliland, iyagoo soo qaata kan Soomaaliya, waana kuwa arrintaasi ku muta jirdil iyo xarig joogta ah.

Dadka reer Laascaanood ayaa dhawaan cabasho ka muujiyey raafkii uu Muuse Biixi deegannadooda uga saaray dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, iyagoo arrintaasi ku sifeeyey tallaabo guracan oo aan laga tala galin.

Siyaasiyiintooda ayaa weedho xanaf leh kala kulma Maamulkaasi, oo inta badan taladiisa ay qabtaan dadka ka soo jeeda beesha dhexe, oo iyadu hoggaamiso 3-da xisbi siyaasadeed ee maamulkaasi ka jira.

Dad reer Laascaanood ayaa kal hore ku dhawaaday in ay kalsoonida kala laabteen Somaliland, kadib markii gollaha wakiilada Somaliland 6- sano ka hor lagu dhex feeray Gudoomiye ku xigeenkii gollahaasi Baashe Maxamed Faarax, oo ka soo jeeda laascaanood, waxaase lagu xaal mariyey in la siiyo kursiga ugu sareeya gollaha wakiilada, kaasoo uu iminka ku fariisan karo oo keliya shaqsi matala deegannada gobolka Sool.

Somaliland ayaa inta badan aragtida reer Laascaanood uga jawaabta awood ciidan, waxana la dhibaateeyaa kuwa bulshada ka midka ah ee cabira fikirkooda, iyadoo arrintaasina ay dhowr jeer walaac ka muujiyeen hay'adaha u dooda xuuqda aaddanaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.