Roob ka da’ay Muqdisho oo saameyn yeeshay

Qoysaska Barakacayaasha ayaa xiligii uu roobka da’ayay raadsaday meelo ay ka galaan dhibcaha Roobka iyo qabowga uu wato, kadib markii guryahooda ku rogmaday daadadka biyaha.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa xalay saqdii dhexe ka da’ay roob xooggan oo midka Deyrta ah, oo saacado socday, kaasoo saameyn weyn ku yeeshay isku socodkii dadweynaha iyo dadka barakacayaasha ah, oo guryahooda biyo buuxsameen.

Roobka ayaa jaray waddooyin muhiim ah oo magaalada Muqdisho, waxayna taasi keentay in gaadiid badan ay ka baqaan ku socoshada biyaha. Dadka barakacayaasha ah ayaa u baahan gurmad degdeg ah oo waliba dhan walbo ah, waxaana hadda ugu daran meel ay gambaad ka dhigtaan si iyaga iyo carruutooda aanu u saameyn roobka kale ee imaan kara.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.