Rooble oo kulamo ka wado Gaalkacyo

Rooble ayaa ugu baaqay in la xoojiyo nabadda, wadajirka shacabka gobolka Mudug iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagixisada.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo kulamo ka wado Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Gaalkacyo kulan kula yeeshay Odayaasha dhaqanka iyo Dhalinyarada isagoo kala hadlay Nabadda iyo Is-dhexgalka bulshada.

Rooble ayaa ugu baaqay in la xoojiyo nabadda, wadajirka shacabka gobolka Mudug iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagixisada.

Wuxuu sheegay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta laga shaqeeyo. Rooble ayaa intaas ku daray in Odayaasha dhaqanka iyo Dhalinyarada gobolka waajib ka saaran yahay ilaalinta Nabadda iyo in cadowga wadajir looga hortago.

Rooble ayaa ku fashilmay ujeedkii uu u aaday Puntland iyo Galmudug ee ahaa inuu soo afjaro khilaafka ka taagan doorashooyinka, kaasoo sababay dib u dhac inuu ku yimaado jadwalkii lagu heshiiyay Sep. 17.

Waxay Madaxda DF iyo Maamullada heshiis ku gaareen 3 bilood kahor in dalka 1-da December ka billaabato doorashadda Baarlamaanka, gaar ahaan Aqalka Sare balse dhici waysay kadib markii Farmaajo ka baxay heshiiska, oo dhisay gudiyo doorasho oo xubno NISA iyo shaqaalaha dowladda katirsan uu kusoo daray.

Mushaxiinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday doorasho inay qabtaan gudiyo aan dhex dhexaad ahayn, iyagoo ku baaqey in la kala diro, oo kuwa kale oo hufan la magacaabo si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.