RW Rooble oo booqday qabriga Sheekh Sabaax

Waa safarkii ugu horeeyay oo dibadda ugu baxo isagoo Ra'iisul Wasaare ah, waxaana kusoo beegmayaa xili laga sugayo inuu ku dhawaaqo Gollaha Wasiiradda.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo booqday qabriga Sheekh Sabaax

KUWAIT - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday qabriga lagu aasey Amiirkii Kuwait Sheekh Sabaax, oo Todobaadkii tagey ku geeriyodey Isbitaal ku yaalla Mareykanka isagoo 91 jir ah.

"Maanta waxaan tacsi ugu tagay Amiirka cusub ee Kuwait, Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah iyo qoyska marxuum Sheekh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah, oo qabrigiisa kusoo akhriyay suuratul Faatixa, waxaana alleh uga baryayay dembi dhaaf," ayuu yiri Rooble.

Dalka Kuwait ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageerad siin jiray Soomaaliya mudadii burburka, waxaana ku nool muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi magangeliyo ka helay markii dalkooda dagaalka sokeeye ka qarxay 1991.

Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay Kuwait kala hadlaya amiirka cusub xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira deyn-cafinta, maadaama uu dalkaasi kamid yahay kwua lacagta ku leh Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.