Saddex ku dhimatay dagaal ka dhacay Sool

Wararka ayaa sheegaya in Labada dhinaca ee dalaamaya ay yihiin dad Xolo Dhaqato ah oo sida la sheegay isku heystaan dhul daaqsimeed ku yaalla degaanka, waxaana odayaasha dhaqanka ku baxeen deminta colaadda.

Warar Keydmedia Online

Saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka qarxay duleedka magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool.

Mas'uul katirsan Maamulka Laascaanood, oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii mid kamid ah labada beelood ay weerareen dadka reer guuraa ah, islamarkaana u diiday inay degaan degaanka Jidbaale.

Maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, iyadoo uu ku fashilmay inuu xal ka gaaro colaad beeleedka kusoo noq-noqday degaanka miyiga ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.