KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waa markii ugu horreysay oo uu Saciid Cabdullaahi Deni Muqdisho yimaado tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland January 2019.
MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulan albaabada u xiran kula yeeshay Garoonka Muqdisho Madaxweyniyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni, oo maanta yimid Caasimadda.
Kulanka ayaa gogol-xaar u ah Shirka ay yeelan doonaan labada hogaamiye iyo Madaxweyne Farmaajo, kaasoo sida muuqata Safiirka Mareykanka uu kaalin ku leeyahay qabsoomidiisa.
Donald Yamamoto ayaa ku canaantay Axmed Madoobe iyo Deni ka maqnaanshahoodii Shirkii Dhuusamareeb 3 iyo qaadicidda go'aanadii kasoo baxay ee laga gaarey nooca doorashadda Soomaaliya ka dhici doonto.
Qas-wadiyaal ayuu Yamamoto ku tilmaamay labada Mas'uul ee ugu sareysa Jubbaland iyo Puntland, maadaama ay sheegeen inaysan qeyb ka ahayn heshiiska la gaarey kaasoo Beesha Caalamka soo dhawaysay.
Mareykanka ayaa siiya Jubbaland iyo Puntland taageero dhaqaale, waxaana cadaadiskiia uu noqday mid shaqeeyay, oo ku qasabay inay Axmed Madoobe iyo Deni isku soo xaadiriyaan Muqdisho, lana fariistaan Farmaajo.
Kulanka Farmaajo la qaadan doono madaxda timid ayaa diirada lagu saarayaa arimaha doorashooyinka 2020/2021, si la isku raaco in laga wada shaqeeyo sidii doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.