Schulman oo loo xiray Shirqool lagu xaday Lacag Soomaaliya leedahay

Arintan ayaa waxay qeyb ka ahayd waxyaabihii ay isku casishay Yusra Abraar, oo gudoomiye ka ahayd Bangiga Dhexe xilligii Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Schulman oo loo xiray Shirqool lagu xaday Lacag Soomaaliya leedahay

MARYLAND, Mareykanka - Qareen u dhashay Mareykanka, oo ku nool gobolka Maryland ayaa Isniinta soo socota lasoo taagayaa Maxkamad heer Federaalka kadib markii lagu soo oogay inuu ku kacay khiyaano uu xadi rabey 12.5 milyan oo dollar, oo ay leedahay Soomaaliya.

Jeremy Wyeth Schulman, oo 45 jir ah ayaa sameystay dukumintiyo been abuur ah, oo ula tagey bangiyo iyo hay'ado maaliyadeed intii u dhaxaysay 2010 illaa 2014, isagoo ku doodaya inuu Wakiil uga yahay dowladda Soomaaliya soo celinta lacagta dibadda uga xayiran.

Schulman iyo shaqsiyaad kale oo aan magacyadooda la sheegin ayaa isku dayay inay la wareegaan boqolaal milyan oo dollar, oo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya leeyahay, taasoo ku jirta akoonno ka furan Bangiyo Caalami ah. Lacatan ayaa la xanibay markii dalka uu dagaalka sokeeya ka billowday.

Qareenka xiran ayaa si shaqsi ah uga helay hay'ad sharciyada ka shaqeysa, oo isaga u fududeeyay inay si musuq-maasuq ah ku heshay $3.3 milyan oo dollar, oo kamid ahayd lacagta la baadi-goobayay ee Soomaaliya leedahay.

Schulman wuxuu ka tirsan yahay Schulman Bhattacharya, wuxuuna gudoomiye ka yahay kooxda dacwadaha ganacsiga iyo heshiisiinta.

Website-ka shirkadda ayaa sheegaya in Schulman uu Soomaaliya ku matalay "arrimo kala duwan, oo ay ka mid tahay in la sameeyo baaritaan ku saabsan eedeymaha musuqmaasuqa maaliyadeed ee ay soo jeediyeen Kooxda Dabagalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Butler oo ah qareen eedeysanaha u doodaya ayaa wuxuu sheegay in Dowladii Ku Meel Gaarka ahayd ee Soomaaliya uu ka caawiyay soo celinta hantidii lagu xayiray dibada, oo ay ku jirto in ka badan $ 9 milyan oo Mareykanka kusoo celiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.