Shaqaalaha DF oo Al-Shabaab laga dhex raadinayo

Al-Shabaab ayaa si aad ah u dhex-gashay hay'adaha dawladda, gaar ahaan kuwa amniga, iyadoo hore ay shaqaale dawladeed ay u fuliyeen weeraro iyo falal amni darro.

Warar Keydmedia Online
Shaqaalaha DF oo Al-Shabaab laga dhex raadinayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Soomaaliya, Sadiiqa Warfaa ayaa soo saarey 3-dii bishan qoraal uu ku shaaciyay in hay'adda NISA ay baaritaan ku samaynayso dhamaan shaqaalaha dawladda.

NISA ayaa wareysi iyo diiwaangelin ku sameyn doonto shaqaalaha dawladda, iyadoo laga baadi-goobayo kuwa sida hoose ula shaqeeya Al-Shabaab, waxaana lagu wargeliyay qof kasta oo qarnaka u adeegga inuu u hogaansamo amarkan.

Dad badan ayaa is waydiinaya in NISA oo Shabaabka ugu badan ku jiraan inay Shabaab ka baarto hay'adaha kale ee dawladda Soomaaliya, waxaana horey u jiray warar sheegaya in taliska Nabad Sugida uu xogta, magacyada iyo sawiradda Shaqaalaha u gudbiyay Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.