Sheekh Shariif oo u ambabaxay Jabuuti

Madaxweynihii 7aad ee dalka ayuu soo noqday 2009-2012, waxuuna isku diyaarinayaa inuu markale u tartamo xilka doorashadda Febuary 2021.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya -  Sheekh Shariif ayaa maanta u safray Jabuuti, oo ah halkii lagu doortay 2009, kana soo billowday geediga siyaasadiisa iyo hogaanka. Waxaa uga soo horeeyay Jabuuti oo dhawaan booqday Xasan Cali Khayre oo isna musharax Madaxweyne ah.

Waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubno katirsan Madasha Xisbiyadda Qaran, oo isaga uu hogaamiye ka yahay, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Lama oga ujeedka safarkiisa, balse waxuu qeyb ka yahay ololihii doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.