Shiinaha muxuu ka yiri Xafiiska Taiwan ka furatay Somaliland?

Safiirka Shiinaha ayaa bishan horaanteeda tagey Hargeysa, isagoo kulan la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi, balse waxba iskama bedelin mowqifka Maamulka Somaliland ee dhinaca xiriirka Taiwan. 

Warar Keydmedia Online
Shiinaha muxuu ka yiri Xafiiska Taiwan ka furatay Somaliland?

BEIJING, China - Shiinaha ayaa Talaadada maanta si adag uga horyimid nooc kasta oo xiriir ah, oo dhexmara Taiwan iyo Somaliland kadib markii labada Maamul ee aan heysan aqoonsiga Caalamiga is dhaafsadeen Wakiillo iyo Xafiisyo midba kan kale Caasimadiisa ka furtay.

"Shiinaha waa hal dal oo caalamka laga aqoonsan yahay, Taiwan waa qeyb kamid ah dhulkeeda," afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian ayaa sidaas u sheegay Saxaafadda.

Wuxuu sheegay in Mabda'a hal China waa mid caalamka laga aqoonsan yahay, mana loola macaamili karo Taiwan dal ahaan.

Zhao ayaa carabka ku adkeeyay in Taiwan iyo Somaliland xiriirkooda marna sii socon doonin, maadaama ay yihiin labo gobolka oo wali helin aqoonsi caalami ah, islamarkaana go'doonsan.

KEYDMEDIA ONLINE

 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.